AKHRISO : Magacayada qaar dadkii ku dhintay dagaalkii maanta ka dhacay.

Beledwayne ( Raxanreeb ) Warar dheeraad ah ayaa soo baxay dagaal maanta oo Khamiis ah ka dhacay degaanka Ceel-Qooxle oo ku dhaw degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Degaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa maalmihii ka soo dhaafay waxaa ka soconayay howlgalo ka dhan ah kooxda Al- Shabaab oo dagaalo ay kaga furan yihiin meelo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Kooxda Al- Shabaab ayaa weerarka ku qaadey, iyadoo bartilmaameedsatay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda iyo kooxaha kacdoonka halkaas oo lagu soo waramayo in khasaare dhimasho dhawac uu ka dhashay.

RBC ayaa heshay qaar ka mid ah magacyada dadka ku dhinta iyo kuwo ku dhaawacmay :

1 Nabadoon Cilmi Hagar Guure, dhimasho
2 Cabdi dauud cariif, dhimasho
3 Bulbul Askari, dhimasho
4 Abaanduulaha Ururka 52aad Xuseen Axmed, dhaawac.

Degaanka ceel-Qooxle, ayaa maalmo kahor laga saarey Al-Shabaab, iyadoo hadda ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubeysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.