Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago deegaanada maamul goboleedka Puntland.
Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in ujeedka ugu wayn ay tahay safarka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulan uu la qaato Madaxwaynaha dib loo doortay Puntland ee Saciid Cabdullaahi Deni.
Labada dhinac waxyaabaha ugu wayn ee ay ka wada- hadli doonaan ayaa ah dooda ka taagan waqtigan adag wax ka bedelka Dastuurka oo ay riixayso Villa Soomaaliya.
Kulamadan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro gebi dhacleynta iyo habka qardajeexa ah ah ee lagu hagayo Dowladnimada Soomaaliya.
Farmaajo ayaa ka digay maanta halista ku soo fool leh isku haynta midnimada dadka iyo dowladnimo ku dhisan wadajir.
Dowladda Dhexe ayaa ku hawlan bedelidda Dastuurka xilli saamileyda siyaasadeed ee dalka ku tilmaameen go’aan qar iska xoorinomo iyo hal dhinac ku dhisan.
Leave a Reply