Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha dalka Turky- ayaa si kulul uga hadlay weerarkii ismiidaamin ahaa ee shalay [ Axad ] ka dhacay magaalada Ankara ee dalkaas.
Madaxwayne Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ciidanka amniga ay fashiliyeen weerarkaas oo lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo muwaadiniinta Turky-ga.
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii sheegay in “argagixisada” aysan marna ku guuleysan doonin hadafkooda.
“Xaasidka khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka muwaadiniinta ma aysan gaarin hadafkooda, waligoodna ma gaari doonaan,” ayuu Erdogan u sheegay baarlamaanka.
Mas’uuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay Kooxda Kurdish-ka ee PKK, oo Turkey iyo xulufadeeda Reer Galbeedka ay u aqoonsan yihiin argagixiso, taasi oo sanado badan wadday dagaal muqaawo oo ka dhan ah Ankara.
Leave a Reply