DIINSOOR : Sarkaal Al Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Dowladda.

Diinsoor (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo degmada Diinsoor ayaa sheegaya in maanta oo Jimcaha ciidanka Dowladda ee  degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ku soo bandhigay Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada

Abshir Macalin Idiris oo magaciisu afgarashadu yahay Sahal ayaa  isku soo dhiibey Taliska Guutada 8aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Dhulka  ee fadhigooda yahay Degmada Diinsoor, isaga oo watay Qoray nooca AK-47 ah iyo Booshkiisa.

Ninkan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 5 sano ah, wuxuuna sheegay inuu markii uu kooxda ku biirayey ku sugnaa degaanka Gurbaan ee gobolka Baay.
Masuuliyiin kq tisan maamulka degmada iyo Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in Abshir uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Jabhaddaha, isla markaana uu ka qeyb qaatay weeraro ay Al-Shabaab ka geysteen degaanno ka tirsan Gobolada Galgaduud, Mudug, Hiiraan Shabeellaha Dhexe & Jubboyinka.

Si kasta Kooxda Al- Shabaab ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay la kulmayay culayso kala duwan ka dib markii meelo ka mid ah dalka laga saaray  sabab la xiriirta howlgalada ka socda gobolada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.