DILAL : Aamusnaanta Dowladda & cadaalad raadinta dadka Muqdisho.

DILAL : Aamusnaanta Dowladda & cadaalad raadinta dadka Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada Muqdisho waxaa ka sii socda dilalka loo gaysanayo dadka rayidka kuwaas oo dadka gaysanaya hadana ka baxsanaya magaalada Muqdisho.

Saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka taagnaa xiisado salka ku haya dad badan oo eheladooda laga dilay kuwaas oo sheegaya in ay dalbanayaan cadaalad.

Dilalka qaarkood waxaa la sheegayaa in ay ku lug leeyihiin askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo aan ilaa iyo hadda la xisaabin ama qaarkood waxaa la sheegaa inay baxsadeen.

Dowladda Soomaaliya ma aysan qaadin ilaa hadda talaabo la xiriirta in si dhab ah ay wax ugu qabato dhibaatada joogtada ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay ka dalbanayaan in ay wax ka qabato dhibaatada dilalka ah ee ku soo kordhay caasimadda.

Laamaha amniga ayaa sheegaya in ay ku raad joogaan shaqsiyaadka dilalka ka gaystay magaalada Muqdisho ee baxsaday isla markaana gacanta ay ku hayaan kuwo kale oo dilal loo haysto.

Maxkamadaha ayaa sidoo kale waxaa ku sugan qoysas badan oo raadinaya in cadaalad ay u helaan eheladooda oo lagu dilay magaalada Muqdisho kuwaas oo qaarkood ku jira qaboojiyaasha isbitaalada.

Dadka qaar ayaa ku hanjabaya in haddii aysan cadaalad helin ay qaadi doonaan talaabooyin oo gacmahooda ay cadaalada ku raadsan doonaan sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba Dowladda Soomaaliya oo aan qaadin wax talaaba ah oo arintan ku saabsan iyo dadka oo cadaalad raadinaya ayaa lagu tilmaamayaa in ay keeni karto in faraha uu ka sii baxo amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.