‘’Soomaaliya way is difaaci doontaan haddii Itoobiya  sii wado heshiiska Somaliland ‘’

‘’Soomaaliya way is difaaci doontaan haddii Itoobiya  sii wado heshiiska Somaliland ‘’

Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa markale ku celiyay in Soomaaliya ay ka xun  tahay in Itoobiya ay soo fara galiso madax banaanida Soomaaliya isla markaana heshiis ay la gasho Somaliland.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay qaadi doonto Soomaaliya talaabo kasta oo ay isaga difaacayso duulaan kaga yimaada  Itoobiya oo heshiis muran badan dhaliyay la gashay Somaliland.

“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato, Soomaaliya way iska caabin doontaa, wayna diidi doontaa,” ayuu madaxeyne Xsan Sheikh Maxamuud u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters kadib wareysi uu siiyay.

Waxa uu xusay in Soomaaliya aysan gacmaha laaban doonin oo ay qaadi doono talaabo is difaacid ah maadama ayuu yiri lagu soo xad gudbay madax banaanideeda.

Itoobiya waxay sheegtay inay doonayso inay saldhig ciidan ka samaysato halkaas, waxaanay soo bandhigtay suurtogalnimada aqoonsiga Somaliland oo ay ku beddelaneyso.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa 1-dii Jannaayo heshiis is afgarad ah gashay taas oo xeeb gaareysa 20 km ay Somaliland uga kireysaneyso dhul ay Soomaaliya ku doodday in ay leedahay isla markaan aan la bixin Karin.

Xiriirka Soomaaliya iyo  Itoobiya ayaa gaaray meel aad xun waxaana , jira baaqyo isa soo taraya kuwaas oo ujeedkooda uu yahay in la dhameeyo xiisada labada dhinac oo gaartay meel halis ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.