”DILAL” ka dhacay magaalada Muqdisho & howgal ka socda caasimadda

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa dilal loogu gaystay sheikh caan ka ah magaaalda Muqdisho iyo  mid ka mid ah dhallinyarada magaalada Muqdisho.

Sheekh Mukhtaar Sheekh Cabdi oo ka mid ah Culumada magaalada Muqdisho ayaa sheegay  koox hubaysan waxa ay ku toogteen Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Waxa sidoo kale isla magaalada lagu dilay , Maxamed xaaji Awaloow oo ka mid ahaa dhallinyarada magaalada Muqdisho.

Magaalada maalmahan waxaa ka dhacayay falal lidi ku ah amniga waxaana dilal kala duwan loogu gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan .

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgalo ka dhan ah kooxaha dilalka ka gaysta caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.