Roma (Raxanreeb ) Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab xoogiisa ugu wayn waxaa ka qaaday kooxaha Macsiilayda kuwaas oo dagaal kula jira kooxda.
Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgaladan ka socda gobolada dalka ay bilaabeen kooxaha Macwiislay oo uu xusay in wax badan ay ka qabteen howlgalka.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda ay u dejin doonto qorshe lagu qaramaynayo kooxaha Macwiislayda ee dagaalka ka wada gobolada dalka.
‘’Kooxaha Macwiislay Dowladda Soomaaliya waxa u samayn doontaa qaramamayn si ay xoog ugu noqdaan ciidanka Dowladda Soomaaliya ‘’ ayuu sheegay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu intaas warkiisa ku daray in Dowladda Soomaaliya markasta ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda gobolada dalka.
Si kastaba kooxaha Macwiislayda ayaa kaalin muuqata waxa ay ku leeyihiin howlgalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula jirto kooxda Al- Shabaab.
Leave a Reply