Asmara (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Asmara dalka Eritrea .
Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu magaalada Asmara kula kulmi doonaa dhigiisa dalkaas madaxweyne Isaias Afwerki.
Labada dhinac ayaa la sheegay in ay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dalka iyo ciidanka Dowladda ee lagu tababaray dalka Eritrea.
Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Eritrea Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah,” sidaas waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay goordhaw Villa Soomaaliya.
Ka sakow wada- hadalada labada dhinac Dowladda Federaalka ee Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa waalidiin badan waxa ay ka sugayaan in dalka dib ugu soo celiso dhallinyaro badan oo muddo ku sugnaa dalka Eritrea.
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa horey u ballan-qaaday in askarta Soomaaliyeed ee ku sugan Eritrea oo gaaraya illaa 5,000 uu si deg deg ah dalka ugu soo celin doono, taas oo ka dhabanayn doonto ay ka sugayaan waalidiin badan oo Soomaaliyeed.
Wixii ku soo kordha kala soco.
www.raxanreeb.com.
Leave a Reply