Xildhibaan Axmed Taajir “Qalqal amni ayaan  ku galay Muqdisho saxna ma ahan”

Muqdisho ( Raxanreeb ) Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa wali magaalada Muqdisho ku wajahaya xaalad ami , taas oo ilaa iyo hadda aan waxba laga qaban.

Xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ah xildhibaanada Barlamaanka oo maanta oo Talaada ah saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu magaalada Muqdisho ku dareemayo culays amni sida uu yiri.

”Qalqal amni ayaan xalay ku galay Muqdisho saxna maahan in Xildhibaanada sidaan loola dhaqmo” ayuu yii Xildhibaan Axmed Taajir.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dhawr meel oo askarta Dowladda ay ku sugan yihiin , isaga oo wata ID – kiisa uu kala kulmay dhibaato badan oo dhanka amniga ah taas oo uu xusay in aysan ahayn waxa ay mudnayeen.

Xildhibaan Axmed Taajir waxa uu soo qaaday in meelaha qaar loo diiday askartiisa in ay ilaalo u noqdaan sidaas darteeda uu  u bareeray khatar ami.

Waxa uu ugu baaqay xildhibaankan saraakiisha amniga in arimahan oo soo noq noqday si dhab ah ay wax ugu qabtaan si loo ilaaliyo xanaasanada xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaano badan ayaa marar badan waddooyinka magaalada Muqdisho waxa ay kala kulmeen dhibaatooyinkan oo kale kuwaas oo u muuqda kuwa aan waxba laga qaban.

Leave a Reply

Your email address will not be published.