Dowladda MD Xasan Sheekh : ‘’AARGOOSI ‘’ siyaasadeed-FAALLO

Dowladda MD Xasan Sheekh : ‘’AARGOOSI ‘’ siyaasadeed-FAALLO

Muqdisho ( Raxanreeb ) Isbedel kasta oo dal ka dhaco hubaal la’aan waxa uu saamayn togan iyo mid tabanba ku yeeshaa , dhinacyo badan oo siyaasadeed kuwaas oo dalka iyo dalkuba u soo shaqeeyay si kastaba.

Dowladda markaas jirta ayaa bilaha ugu horeeya waxa ay sameysaa, isbedel ujeedka ugu wayn uu yahay in meesha laga saaro xubnahii la shaqeeynayay kuwa looga adkaatay doorashada.

Soomaaliya aad ayay ugu badan tahay dhaqankaas in xididada loo siibo xubnihii la soo shaqeeyay , xukunkii jiray , kan xilligan jiraana , waxa uu la yimaadaan dhiig cusub oo dhaqaajin kara wixii hore u jiray.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ee markale ku guulaystay talada dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa – guushiisa ka dib waxa uu sheegay in aysan jirin doonin AARGOOSI – siyaasadeed taaas uu ula jeeday in aan la beegsan doonin shaqsiyaadkii la shaqeynayay xukunkii jiray ee meesha laga saaray.

Laakiin dad badan oo hadalkaas Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud dhagaystay ayaa hadda sheegaya in warkaas uu ahaa afka – barkii marka loo eego ficilada dhacaya oo u eg aargoosi siyaasadeed.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka soconayay beegsiga lagu hayo saraakiishii la soo shaqaysay Dowladii Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee looga adkaaday doorashadii dalka ka dhacay 25-kii May sanadkii 2022.

Xili habeen ah ayaa ciidamo ka tirsan Hay’adda NISA waxa ay weerar ay ku qaadeen , hoyga magaalada Muqdisho uu ka degan- yahay , Taliyihii daba-galka Hay’adda NISA Cabdullaahi dheere oo la soo shaqeeyay maamulkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , dalkana ka maqan.

Hoyga Mr Cabdullaahi Dheere ayaa laga kaxaystay qaar ka mid ah ilaaladiisa ilaa iyo hadda lama oga halka lagu hayo dadkaas la xiray iyo sababta beegsiga keentay xiligan labaduba.

Talaabadan ayaa dad badan waxa ay u fasireen ,hal ujeedo oo ah in la doonayo in laga aarsado saraakiisha iyo xubnaha la shaqeeyay maamulkii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaaho .

Magaalada Muqdisho waxa marar badan lagu beegsaday xubno badan oo la soo shaqeeyay xukunkii hore ee jiray , iyo kuwii kale ee taageerada u ahaa taas oo lagu tilmaamay in ay tahay AARGOOSI siyaasadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.