Muqdisho ( Raxanreeb ) Ganacsatada iibiso qaraha ee magaalada Muqdisho ayaa dood adag ka keenay maanta lacag canshuur ah oo lagu kordhiyay.
Suuqa qaraha oo ku – yaala degmada Wartanabadda ayaa la sheegay in maanta uusan shaqayn sabab la xiriirta muranka ka dhashay lacagta canshuurta.
Maamulka degmada Wartanabadda ayaa lagu soo waramayaa in ganacatada qaraha ee suuqa uu ku soo rogay lacag dheeraad ah taas oo keentay in ay gadoodan.
Suuqa Qaraha ee degmada Wartanabadda ayaa kan ugu wayn ee lagu iibiyo halkaas oo dad badan u doontaan qaraha , maadama lagu jiro bisha Ramadaan.
Maamulka degmada Wartanabadda ma uusan faahfaahin muranka ka jira lacagta qaraha lagu soo rogay ee keenay in maanta uu xirmo.
Leave a Reply