XOG : Ismeal Geelle oo isku keenaya Biixi & MD Xasan+waxa laga hadlayo

XOG : Ismeal Geelle oo isku keenaya Biixi & MD Xasan+waxa laga hadlayo

Muqdisho (Raxanreeb ) Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Jabuuti Ismeal Omar Geeele uu qorshaynayo , in si fool – ka fool ah kulan siiyo Madaxwaynaha Soomaaliya Madaxwayne Xasan Sheekh iyo  Muuse Biix Cabdi.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Jabuuti Geelle kulanka labada dhinac ee uu qorshaynayo looga hadlo sii wadista wada- hadalada  Dowladda Soomaaliya iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Lama sheegin goobta  iyo goorta la qabanayo kulankan uu riixayo Madaxwaynaha Jabuuti ee la isugu keenayo Biixi iyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in dhankiisa uu aqbalay  isu keenista labada masuul ee  Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Somaliland.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa kulankaas waxaa uu ku daadejin doono , sidii ergayga uu u magacaabay wada-  hadalada labada dhinac uu u sii wadi lahaa shaqadiisa ku aadan ,  Geedi socodka wada hadalada hakadka galay.

Wada- hadalada  labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa in muddo ah hakad uu ku yimid , inkastoo dhawaan Madaxwaynaha Soomaaliya uu magacaabay ergay gaar ah oo u qaabilsan Dowladda Soomaaliya wada- hadalka.

Somaliland dhankeeda waxa ay soo dhawaysay in sii  socdaan shirarka si natiijo wax ku ool ah loo gaaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.