Dowladda oo la wareegtay Buq-Aqable & faahfaahinta dagaal halkaas ka dhacay.

Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta ah oo kaa shanaya ciidamada dib u xureeynta Macawisleyda ay caawa Weerar ku qaadeen Degmada Buq Aqable ee Gobolka hiiraan.

Ma jiro ilo ka Madaxbanaan Dowladda oo shaacinaya in Degmadaasi weerar lagu qaaday, in kastoo wararka qaar ay sheegayaan in lala wareegay.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha kacdoonka ayaa wada howlgalo ka dhan ah Al- Shabaab kaas oo ka socda deegaano badan oo gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidanka fariisimo ay ka samaysteen deegaanka Buq aqbale oo muddo dheer ay maamulayeen kooxda Al- Shabaab.

in Ciidanka Dowladda ay la wareegaan Degmada Buq Aqable ayaa ka dhigan in Al- Shabaab gacantooda ka baxday magaalo weyn oo muhiim u aheyd Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.