Dhacdo: Bukaannada & kooxaha Amniga ee Isbitaallada magaalada Muqdisho

Dhacdo: Bukaannada & kooxaha Amniga ee Isbitaallada magaalada Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho inta badan waxaa la wariyaa in dhibaato ay kala kulmaan – Bukaanada booqanaya waxaana inta badan taas ay keenta in dadka xanuunsanaya ay ka aamin baxaan xarumaha qaar.

Maanta oo Isniin ah Isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dhacdo dad badan ay ku tilmaameen in ay ahayd mid xanuun badan ka dib markii ay isku gacan qaadeen qof bukaan ah iyo mid ka mid ah waardiyaasha isbitaalka.

Weriye ka tirsan RBC oo ku sugnaa Isbitaalka Digfeer ee maagaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Waardiyaasha amaanka uu u gacan qaaday Bukaan halkaas ku sugan , taas oo keentay in qofkii bukaanka ahaa isaga oo xanuunsanaa uu dhul dhaco isla markaana uu goobta ku suuxo.

Labada dhinac ayaa dhax maray muran waxaana Bukaankii oo dhibaato xoogan ka soo gaartay gacanqaadka Waardiyaha Isbitaalka Digfeer loola cararo qeybta Emmergency-ga ama Deg Dega.

Bukaanka oo si aad ah loo jirday ayaa miyir daboolmay , waxaana laga dayrinayay ka hor inta aan loo qaadin qaybta deg deg ah xaaladiisa.Maamulka Isbitaalka Digfeer ma uusan ka hadlin mar aan isku daynay waa ay inoo suurtagali wayday si aan wax uga waydiino dhibaatada waardiyaha Isbitaalka u gaystay Bukaan adeeg u soo doontay Isbitaalkooda.Inta badan waxa caqabad xoogan goobaha caafimaad ku dhaxmartaa Bukaanada adeeg doonka ah iyo waardiyaasha qaabilsan amniga , taas oo la sheego in ay ka dhalato aqoon – darida waardiyaasha qaar ee ku sugan xaruumaha caafimaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.