Degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan go’doonka maka baxday ?

Beledwayne (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gargaargii ugu horeeyay u dirtay deegaanada gobolka Hiiraan ee laga xoreeyay ururka Al-shabaab.

Talaadan aya daba – socoto ka dib markii maalmo ka hor Ra’iisal wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre uu ku baaqay in gargaar dag dag ah lala gaaro deegaanada laga saaray Al-shabaab halkaas oo ay ka jirto baahi badan.

Hay’dda maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gargaar raashin ah u dirtay magaaladda Buula-burde halkaas oo ka mid ahayd meelaha go’doonka ay galiyeen kooxda Al- Shabaab.

Gargaarkaan ayaa waxaa uu isugu jiraa raashin iyo agabyo kale waxaana garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ka qaaday diyaarad gaar ah
Degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ahayd meelaha ay go’doomiyeen Kooxda Al- Shabaab.

waxaana deegaankaas keliya tagi jiray diyaaraha ay -gaarka ah ee ay saaran yihiin , madaxda Dowladda iyo Hay’adaha samafalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa in gargaar Bani’adanimo ay la gaarto dadka ku nool deeagaanada laga saaray kooxda A- Shabaab , halkaas oo muddo ka caaganayd in gargaarka uu gaaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.