Dowladda Soomaaliya oo go’aan kasoo saartay amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Shir jaraa’id oo  uu maanta magaalada Muqdisho ku qabtay wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys, ayuu kaga hadlay xaalada amniga Muqdisho iyo howlgallada looga soo horjeedo Al-shabaab  ee ka socda gobollada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha amniga lagu amray in aan hub ama gaadiid dagaal  lala gali Karin xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayna mamnuuc tahay arrintaasi.

Sidoo kale wasiir Da’uud,  ayaa sheegay  in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shaqsiyadkii lagu hela ayaga oo baraha bulshada ku faafinaya warar  been abuur ah.

“Waxaa mamnuuc ah  in si khaldan loo isticmaalo ama been abuur laga sameeyo, si toos ah amaba si dadban , iyada oo la isticmaalayo warbaahinta kala duwan oo baraha bulshada, qofkii lagu helana lala tiigsan doono tallaabooyin sharciga waafaqsan oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Geesta kale wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto howlgallada ka socda dalka, isla markaana waxa uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ay la shaqeyaan ciidamada  xoogga iyo kuwa deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.