Dr Bilaal ” Aadan Madoobe wuu qiyaamay Digil & Mirifle “

Dr Bilaal ” Aadan Madoobe wuu qiyaamay Digil & Mirifle “

Muqdisho (Raxanreeb )- Dr Mohamed Ibraahim Bilaal oo ka mid ah siyaasiinta KGS ayaa shaaca ka qaaday caawa in Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe uu qiyaanay dadka & Dadka Soomaaliyeed .

Waxa uu sheegay Dr Bilaal inuu lumiyay Aadan Madoobe qoondadii Digil & Mirifle ay ku lahaayeen awood qaybsiga dalka , maadama uu si qiyaano ah ku meel mariyay wax ka bedelka Dastuurka KMG oo muran uu ka taagan yahay.

” Isaga iyo shan kale oo digil iyo mirifle ayaa aasay , Digil & Mirifle la isagama hari doono qiyaanada ay sameeyeen ” ayuu sheegay Dr Maxamed Ibraahim Bilaal.

Waxa uu intaas raaciyay Dr Bilaal in Ramadaan ka dib ay isugu imaan doonaan kulamo wadatashi ah oo looga hadlayo aayaha digil & Mirifle ee uu godka ku riday Aadan Madoobe .

” Hadda wixii ka danbeeya Barlamaanka waa magac u yaal wax awood ahna ma laha marka isaga ma mushaarkiisa ayuu fiirsanayaa muxuu u cadey waayay kaalinta Digil & Mirifle ” ayuu raaciyay hadalkiisa Dr Maxamed Ibraahim Bilaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.