Boosaaso (Raxanreeb Online): Tirada muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee magaalada Boosaaso uga sii gudba dhanka Yemen ayaa si weyn u korortay, iyadoo warbixin cusub oo ay soo saartay IOM lagu sheegay in tiradu ku dhowaad saddex jibbaarantay.
Saddexdii bilood ee ugu horreysay 2025, waxaa Boosaaso maray ku dhowaad 6,400 qof, halka muddadii u dhiganta 2026 ay tiradu gaartay 18,600 qof, taasoo muujinaysa koror dhan 189%.
Tiradan ayaa sidoo kale ka sarreysa heerkii ugu badnaa ee horey loo diiwaangeliyay, kaas oo ahaa 17,900 qof saddexdii bilood ee ugu dambeeyay 2024.
Kororka ayaa lala xiriiriyay adkeynta xannibaadaha iyo shuruudaha gelitaanka Jabuuti, taasoo muhaajiriinta ku riixday inay adeegsadaan waddooyin kale oo dhulka ah.
Muhaajiriintu waxay maraan waddooyinka isku xira Boorama, Wajaale, Hargeysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo Boosaaso, iyagoo ugu dambeyn u gudba Yemen.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Boosaaso ay ku sugan yihiin qiyaastii 2,200 carruur ah oo aan cidina la socon, kuwaas oo wajahaya khataro ay kamid yihiin tacaddi iyo xadgudubyo kale.

Leave a Reply