Duqeyn ka dhacay deegaano hoos yimaada Xarardheere.

Xarardheere ( Raxanreeb ) duqeymo xoogan ayaa lagu soo waramayaa in  maanta oo isniin ah in ay ka dhaceen deegaano hoos yimaado degmada Xarardheere ee gobolka Muddug.

Deegaanka Caad ayaa lagu soo waramayaa in duqeymahan ay ka dhaceen halkaas oo la sheegay in ay ku sugnayeen kooxda Al- Shabaab.

Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegtay in sidoo kale deegaanka Caad uu ka dhacay dagaal sababay in ay kula wareegaan deegaankaas oo ay maamulayeen kooxda Al- Shabaab.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa hadda la xaqiijinayaa in si buuxda ay gacanta ugu hayaan deegaanka Caad oo hoostaga Xarardheere oo in muddo ah gacanta ugu jiray Al- Shabaab.

Si kasta Dowladda Federaalka ayaa howlgal ka wada deegaano badan oo koonfurta iyo bartaha si ay xaqiijiyaan goobaha Al- Shabaab laga saaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.