Cumar Cabdulle Jacfaan ”  Waa in la baaraa weerarkii Gobolka Banaadir “

Muqdisho ( Raxanreeb ) Guddoomiyihii hore degmada Huriwaa ayaa sheegay in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo weerarkii kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen xarunta gobolka Banaadir.

Cumar Jacfaan ayaa sheegay in suurtagal aysan ahayn in xubno ka tirsan Al- Shabaab gudaha u galaan xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay shaqo ka socotay.

Guddoomiyihii Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa ku baaqay in Cadaaladda la horkeenno shaqsiyaadkii ka dambeeyay  oo Alshabaab u fududeeyay in ay  galaan xarunta Gobolka Banaadir.

” Waa in si deg deg ah loo baaraa weerarka ka dhacay xarunta gobolka Banaadir mana ah wax la aqbali karo in weerar sidan oo kale ah ay ka dhacaan xarunta gobolka Banaadir ” ayuu yiri Cumar Jacfaan.

Guddoomiyihii hore ee Huriwaa Cumar Jacfaan ayaa dhankale ka tacsiyadeeyay khasaaraha ka dhashay  weerarka ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.