NewYork (Raxanreeb ) Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa maanta la hor keenay maxkamad ku taala magaaladda New York si uu u wajaho eedeymo danbi ah oo lagu soo oogay.
Waxaa maxkamada maanta uu Trump ka xaadiray loo soo bandhigay eedeymo dambi ah oo la xiriira lacag la siiyay haweeney jili jirtay filimada anshax xumada ah si aysan u fadeexeyn ka hor doorashadii sanadkii 2016-kii.
Trump oo 76 jir ah, ayaa ku celceliyay inuusan waxba dambi ah galin, isagoo ku tilmaamay eedeymaha loo haysto ‘faragelin siyaasadeed iyo mid doorasho.
Trump, oo soo noqday madaxweyne intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2021, ayaa bishii Nofembar ku dhawaaqay inuu doonayo inuu dib u hanto madaxtinimada 2024, si uu u diido madaxweynaha Dimuqraadiga Joe Biden, oo ku garaacay 2020, oo ah markii labaad ee Aqalka Cad.
Xeerbeegti ayaa u codeysay in dacwad lagu soo oogo Trump kadib markii ay baaritaan ku sameeyeen lacag dhan $130,000 doollar oo uu siiyay Stormy Daniels isku day uu ku doonayay in uu ku aamusiyo si aanay u fadeexeyn.
Leave a Reply