MUQDISHO :  KURSI  lagu murmay oo gacan ka hadal ka bilowday.

MUQDISHO :  KURSI  lagu murmay oo gacan ka hadal ka bilowday.

Muqdisho (Raxanreeb ) Dagaal la isku adeegsaday baangado iyo midiyo oo xalay ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,Waxaa xalay dagaal la isku adeegsaday mindiyo iyo baangado uu ka dhacay xaafada Siisii ,gaar ahaan afaafka hore ee Masjidka Muumino Ceelbuur.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilowday muran ka dhashay maqaayad shaaha laga cabo, gaar ahaan kursi la isku qabsaday , waxaana dhinacyada isku dhacay u kala yimid gurmadyo.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo kamid ahaa dadkii dagaalamay ayaa dhintay, halka mid kalana dhaawac soo gaaray, waxaana la xiray qaar kamid ah dadkii dagaalka ku lugta lahaa.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa mararka qaarkood ka dhaca gacan ka hadal ka dhasha waxyaabo aan macno badan laheyn kuwaasoo aakhirkii sababa dhimasho iyo dhaawac aan loo baahneyn

Leave a Reply

Your email address will not be published.