Ergo ka mid ah kuwii doortay xildhibaanada Galmudug oo la toogtay.

Raxanreeb (Muqdisho ) Koox hubaysan ayaa maanta Degmada WartaNabadda ee magaalada Muqdisho , waxa ay ku toogteen ,  nin magaciisa lagu soo koobay Caraaye isla markaana degmada  laga yaqaanay.

Sida RBC ay u sheegeen  goobjoogayaal  , halka uu dilka ka dhacay waxaa gaaray  ciidamo ka tirsan maamulka degmada Wartanabadda kuwaas oo hareeraha halka uu dilka ka dhacay ka qab-qabtay tiro dhallinyara ah.

Marxuum Caraaye waxa uu kamid ahaa ergadii Galmudug kusoo dooratay xildhibaanada baarlamaanka 11-aad, iyadoo dilkiisa ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Maamulka Degmada oo RBC uu la xiriiray ayaa ka  gaabsaday in wax faahfaahin ah uuka bixiyo sida dilka uu u dhacay iyo waxa ay yihiin dhallinyarada ay soo qabteen.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Caraaye Maalin, waxaa dhowr xabadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  howlgalo ka wada magaalooyinka Muqdisho howlgal amaanka ay ku xaqiijinayso , waxaana mararka qaar ka dhaca falal ka hor imaanaya amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.