FAAHFAAHIN : Masuuliyiin la sheegay in ay ku dhinteen qaraxyada Beledwayne

FAAHFAAHIN : Masuuliyiin la sheegay in ay ku dhinteen qaraxyada Beledwayne

Beledwayen (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa laga helayaa qaraxyo waa wayn oo maanta lala eegtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan oo ay ku sugnayeen masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Gudoomiye kuxigeenka Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadeey Iyo wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle ayaa kamid ah dadka ku geeriyooday qaraxyada Beledweyne.

Xogtan oo ah mid horudhac ah ayaa laga yabaa in ay jiri karaan masuuliyiin kale oo ku waxyeeloobay qaraxyadan maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee Beledwayne.

Goobta uu qaraxyadan ay ka dhaceen waxaa laga maqlayay rasaas xoogan waxana la sheegay in ay gaareen ciidamo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Sida wararku sheegayaan, Labo baabuur oo ah nooca xamuulka qaada ayaa lagusoo waramayaa in lagu weeraray xerada Lama galaay oo ah halka ugu badan oo ay daganyihiin masuuliyiinta gobolka iyo maamulka Hir-shabelle.

Wixii ku soo kordha kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.