XOG : Xoghayihii Golaha shacabka oo is- casilay & sababta keentay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Warar RBC uu ka helayo xarunta Golaha shacabka ayaa ku waramaya in maanta oo Isniin ah u casilay xoghayihii Barlamaanka , Cabdikariin Cali Buux.

Warar hoose ayaa sheegaya in buux lagu heystay dhaqaala badan oo uu lunsaday muddadii uu hayay xilkaasi lagana doonayo in uu ukeeno xisaab xir.
Waxaa xusid mudan in buux sababta istiqaaladiisii ka dambeysay aanan lala wadaagin warbaahinta.

Ka hor inta uusan is casilin masuulkan ayaa la xaqiijiyay in shir xarunta Villa Hargaysa uga socday guddiga joogtada ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha is casilay ma jirto wax war ah oo ka soo baxay oo ku aadan is casiladiisa waxa keenay , Golaha Barlamaankana, wax war ah ma uusan ka soo saarin arrintan.

Wixii ku soo kordha kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.