Laftagareen & Dr siyaasiga Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo kulan leh & ujeedka

Laftagareen & Dr siyaasiga Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo kulan leh & ujeedka

Baydhabo (Raxanreeb ) Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo mid ah siyaasiinta deegaanada Koonfur – Galbeed  ayaa maanta ka degay magaalada Baydhabo  ee gobolka Baay.

Ujeedka safarka Dr Bilaal ee Baydhabo ayaa ah cusuumad uu ka helay Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen si ay uga hadlaan aayaha kursiga uu ku dhintay  AUN Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow

Dr  Maxamed Ibraahim Bilaal oo u taagan qabashada kursigaas ayaa wada- hadal Madaxtooyada  koonfur Galbeed kula yeelan doono  Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Laftagareen.

Waxa lagu soo waramayaa in Dr Maxamed Ibraahim Bilaal uu diiday in maamulka Koonfur Galbeed laga siiyo xil wasiirnimo hase ahaatee uu codsaday in si daah furan loo qabto kursigaas oo beesha isla leh ay la doonayaan Dr Maxamed Ibraahim Bilaal.

Kulamadan  Cabdicasiis Laftagareen  iyo Dr Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa noqon doona kuwa inta badan diirada lagu saarayo , qodobo koonfur Galbeed ay wadato iyo kuwo isagan uu wato siyaasiga Dr Maxamed Ibraahim Bilaal.

Si kastaba Kulamo beesha  iska leh kursigan  ay  yeesheen ayay ku sheegeen in Dr Maxamed Ibraahim Bilaal uu yahay shaqsiga keliya ee matali kara beeshas ee deegaan doorashadiisu ay tahay koonfur galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.