Muqdisho (Raxanreeb ) – Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la leexsaday raashiin iyo agab kale oo loogu talagalay Ciidamada gaarka u tababaran ee Danab oo uu taakuleeyo Mareykanka.
Sido kale waxey xuseen in shaqo ka joojinta iyo xabsiga lagu hayo saraakiil ka tirsan Danab si loola xisaabtamo, sida ay ka sheegeen kulan dhawaan ku dhexmaray Nairobi Saraakiisha AFRICOM ee Mareykanka iyo Kuwa Soomaalida.
Talaabadan waxaa loo arkaa mid uu Mareykanku ku cadaadiyay Dowladda Soomaaliya iyaga oo ku amray iney bixiyaan kharashka raashinkaasi la musuq-maasuqay, waxaana la rumeysa yahay iney Tani soo dadajisay go’aanka uu AFRICOM ku hakinayo Taageerada Ciidamada Danab.
Saadka Ciidanka kumandoska Danab iyo mushaharkaba waxaa bixiya dowlada Mareykanka, waxaana War saxaafadeedka lagu sheegay in natiijada baaritaanka lala wadaagay saraakiisha Mareykanka ee tababarada siiya ciidankaas.
Wasaaradda ayaa shaacisay in baaritaanku socdo ay la wareegi doonto bixinta raashinka ciidanka.
Maalgelinta dawladda Maraykanka ku samaynayso barnaamijka dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB waxa ay abuurtay ciidan awood leh oo horseed u noqday howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab.
Leave a Reply