Fadhiyada Golaha shacabka & caqabada  maqnaanshaha xildhibaanada

Fadhiyada Golaha shacabka & caqabada  maqnaanshaha xildhibaanada

Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha  shacabka ayaa ku celiyay  markale in lala xisaabtami doono xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada Golaha shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay  in aan la ogolaan doonin in la isaga maqnaado fadhiyada taas oo uu sheegay in ay tahay mid masuuliyad darra.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in fadhiyada baarlamaanka mar kasta ay ka maqnaadaan 130-xildhibaan tiro aan ka yareyn, waxa uuna sheegay in aan la aqbali karin.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in la dhaqan-gelinayo xeer hoosaadka golaha si loo ciqaabo xildhibaannada maqan.

Intaas waxa uu warkiisa  ku daray   in xeer-hoosaadka uu dhigayo in xildhibaankii maqnaadaa fadhiyada golaha  labo sanno fasax la’aan uu xilka weenayo.

Inta badan waxaa fadhiyada Golaha shacabka ka maqan mudanayaal badan taas oo keenta in kooram la’aan uu u baaqdo , Golaha shacabka ee Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.