Farmaajo oo  Barlamaanka kaga doodi doono Dastuurka , Garoowe-na ku wajahan.

Farmaajo oo  Barlamaanka kaga doodi doono Dastuurka , Garoowe-na ku wajahan.

Muqdisho (Raxanreeb)-  Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo aadan uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa lagu sheegay ujeedka xilliga ee Soomaaliya inay tahay dood badan oo uu ka qabo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah  ee Villa Soomaaliya si aad ah ay u riixayso.

Madaxwaynihii  hore oo ah xildhibaan aan dhicin isla markaana in muddo ah ku noolaa magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa dhawaan sheegay inuu aad u diidan yahay in waqtigan  la qaado talaabo kasta oo wax lagaga bedelayo Dastuurka.

Waxaa la filayaa  marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho inuu kaga qayb gali doono Golaha shacabka  dooda ku saabsan Dastuurka oo  horyaala waqtigan Barlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal.

Ka dib waxaa wararku ay sheegayaan in madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gaaro magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

Halkaas sida ay xogaha ay sheegayaan waxa uu kaga qayb gali doonaan shir uu ku – baaqay madaxwaynaha maamulkaas isla markaana looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa  wajahaysa marxalad adag oo dhanka siyaasadda ah waxaana muuqanaysa in dhinacyo badan ay ka  biyo diidan yihiin in waqtigan looga daro dalka oo dastuurka la joojiyo wax ka bedelkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.