Farmaajo & Shariif oo ka hadlay qorshaha Villa Somalia ee Dastuurka.

Farmaajo & Shariif oo ka hadlay qorshaha Villa Somalia ee Dastuurka.

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horeysay kulan ku yeeshay madaxwaynihii hore ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxwaynihii Dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed.

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda daarnaa xaaladda guud ee dalka si gaar ah qorshaha wax ka bedelka Dastuurka ee ay riixayso Villa Soomaaliya kaas oo ka socda magaalada Muqdisho.

Kulanka ka dib war ka soo  baxay Xafiiska Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in isaga iyo Shariif ay isla eegeen siyaasadda dalka iyo sida loo wajahi karo xilligan.

“Waxaan isla garannay inaan sii wadno kulamadeenna iyo wadatashigeenna, isla markaasna laga qeyb geliyo siyaasiyiinta dalka iyo qeybaha kale ee bulshadda” ayuu yiri Farmaajo.

Kulankan oo ah kii u horreeyay oo dalka gudihiisa ku yeeshaan kaddib heshiiskii Ankara September 2023 oo hordhac u ahaa isbaheysi siyaasadeed oo ay sameystaan labada madaxwayne.

Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo  ayaa kusoo laabtay dalka Jimcihii, isaga oo tan iyo markii looga adkaaday doorashada 15kii May ku maqnaa dalka Qatar halkaas oo uu deganaa.

Talaabadan ayaa  tusaale u ah ififaalaha Ololaha doorasho ee ka bilaabanaya dhawaan magaalada Muqdisho oo ay ka abuurmayaan isbahaysiyo siyaasadeed oo u babac dhiga Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.