WARCUSUB : kiiska nin ku eedaysan inuu gubay xaaskiis oo la mudeeyay.

WARCUSUB : kiiska nin ku eedaysan inuu gubay xaaskiis oo la mudeeyay.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Markii todobaadkii hore la soo gaba- gabeeyay fadhigii ugu danbeeyay ee dacwad loo haysto Sayid Cali oo ku eedaysan dilka inuu xaaskiisa uu gubay ayaa maanta maxkamadu mudaysay watiga go’ aanka.

Warqad ka soo baxday Maxkamada gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyay waqtiga lagu dhawaaqayo go’aanka eedeysanaha oo aad loo sugayo.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay in maalinta Arbacada ah 06-03-2024 maxkamadda la horkeeno mar kale eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud sida lagu sheegay warka ka soo baxay Maxkamada maanta oo Sabti ah.

Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa loo heystaa dilka xaaskiisa isaga oo qirtay in uu sabab u ahaa geerida Luul Cabdicasiis.

Hoos ka akhriso warqada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.