Xamse Barre oo xil ka qaaday Wasiirro kuwa cusubna magacaabay.

Xamse Barre oo xil ka qaaday Wasiirro kuwa cusubna magacaabay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Xamse Cabdi Barre ayaa sameeyey isku shaandeyn kooban oo Golaha Wasiirada ah.

Xubnaha cusub ayaa kala ah

1- Maxamed Cabdi Xayyir Maareeye oo loo magacaabay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, waxaa lagu bedelay Mudane, Axmed Madoobe Nuunow

2- Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa loo magacaabay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyenta, hore waxaa halkaas u joogay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wareegtada uu soo saaray ugu magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye in uu noqdo wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, halka Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay isna loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud.

Magacaabista iyo xil ka qaadista labadan wasiir ayaa imaaneysa xilli wali ay bannaan yihiin boosas saddex wasaaradood oo kala ah Wasaaradda arrimaha Dibadda, Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Haweenka iyo Qoyska.

Leave a Reply

Your email address will not be published.