Muqdisho (Raxanreeb ) Qarax ismiidaamin ah oo uu isku soo xiray qof naftii halige ah ayaa ka dhacay caawa magaalada Muqdisho.
Sida wararka ay sheegayaan waxa uu qaraxa ka dhacay maqaaxi lagu magacaabo Baar Bulsho oo ka ag dhaw Villa Soomaaliya.
Hore sidan oo kale ayaa isla maqaaxidan waxa ka dhacay qarax ismiidamin ah oo dad ay ku geeriyoodeen halka kuwa kale ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa caawa weli lama soo warin khasaaraha qaraxa maqaaxidan ayaa ku taala nawaaxiga taalada sayidka.
Magaalada Muqdisho ayaa mar qura laga dareemay qal qal xaga amniga ah , waxana waddooyinka lagu soo daadiyay askar ka tirsan Dowladda.
Leave a Reply