Galmudug oo u aqoonsanaysa sida Al Shabaab dadka jara dhirta

Dhuusamareeb (Raxanreeb) Maamulka Galmudug oo dhawr jeer ku celceliyay joojinta xaalufinta dhirta ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin jarista dhirta.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Bukhaari ayaa sheegay in dhibaato xaga xaalufka dhirta uu ka jiro  degaanada  gobolka Mudug.

“Dadka Jaraya Dhirta waxay noola Mid yihiin Al-shabaab, waxaana u aqoonsanahay Al-shabaabka labaad, isku sina waan ula dagaalamaynaa” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha  gobolka  Mudug ayaa intaas waxa uu warkiisa ku daray ,in ay qaadi doonaan talaabo kasta oo ay kaga hortagayaan in la jaro dhirta degaanada uu maamulo Galmudug.

Shacabka ku nool degaanada mamulka Galmudug ayuu ugu baaqay Guddoomiyaha   gobolka  Mudug in ay ka qay qaataan  joojinta  jarista dhirta.

Meelo badan oo dalka ah waxaa ka socda  xaalufka lagu hayo dhirta , taas oo keentay isbedelka  cimilada  iyo abaaraha soo noq noqday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.