Gantaalo Ciidanka Somaliland  ay ku garaaceen laascanood ee gobolka Sool

Gantaalo Ciidanka Somaliland  ay ku garaaceen laascanood ee gobolka Sool

Laascanood (Raxanreeb ) Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in saaka weerar hoobiyaal ah ay ku qaaday , gudaha magaalada Laascanood ee gobolka Sool .

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hoobiyaasha kuwaas oo ku dhacayay xaafadaha  magaalada Laascanood , halkaa soo inta badan ay isaga  barakaceen dadka maagaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in hoobiyaasha qaar ay ku dhaceen goob dadka ay isaga carareen   iyo goobo kale oo banaan ah oo ku yaala magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in cabsi xoogan ay ka taagan tahay halkaasi, isla-markaana ay suurtagal tahay inuu dib usii qarxo dagaalka ka socda Laascaanood.

Waxaa muuqanaysa in wali wax xal ah aan laga gaarin colaada sii daba dheeraatay eek a jirta gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn  inkastoo ay socdeen dadaalo lagu  nabadaynayo deegaanka hadana ma aysan guulaysan.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in magaalada Laascanood ay ka dhaceen gabood fal ka dhan ah xuquuqda Aadanaha loona baahan yahay  in laga xisaabtamo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.