Garaacyada Saacadii “Big Ben” iyo  halkan waa London” dib hawada loogama maqli doono”.

Garaacyada Saacadii “Big Ben” iyo  halkan waa London” dib hawada loogama maqli doono”.

London (Raxanreeb ) Markii ugu horreysay tan iyo markii la furay 1938-kii.. “BBC” waxay joojisay baahinteedi hawada ka dib 85 sano oo ay ku bixinaysay adeegyadeeda luqadda Carabiga.

Garaacyada Saacadii “Big Ben” iyo erayada “Halkan waa London” dib hawada loogama maqli doono”.

Go’aanka xiritaanku wuxuu la socdaa kororka tignoolajiyada_dijitaalka ah iyo baahitaanka taleefannada gacanta, iyo rabitaanka hay’adda si loo yareeyo kharashaadka maadama ay soo wajahday Xaalado dhaqaale xumi oo aad looga walaaco.

Wariyayaashii ugu caansanaa ee la xasuusto waxaa ka mid ahaa wariyihii waynaa ee reer Urdon.

Wariyihii geeriyooday/George Masri, oo halku dhigiisu ahaa “waxaan idin ka salaamayaa bartamaha London”


Liiska suxufiyiinta BBC-da Arabic loogu dhagaysiga badnaa xaga wararka waxaa kamid ahaa.
Hossam Shablak,
Nuuradiin Zawrqi,
Amr Al-Kahki,
Huda Al-Rashiid,
Majid Sarxaan,
Cali Asaad,

Muuq-baahiyaha Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, ayaa  hore gabi ahaanba hawada laga saaray. TV  BBC-SOMALI oo  hawada ku soo biiray sannadkii 2017-kii.

Barnaamijyadii Idaacadda BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga, ayaa hore hawada looga saaray. BBC-du, Idaacadda weyn ayey ahayd haddase waxa ku socotaa mid albaabada la iskugu dhuftay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.