Colaadda ninka yaqaan ayaa nabaddana yaqaan

Colaadda ninka yaqaan ayaa nabaddana yaqaan

Muqdisho ( Raxanreen ) Qofka nabadda iyo macaankeeda yaqaan ayaa sidoo kale, colaadda iyo qodhaadhkeeda garan kara! 20 sano kaddib, duullaankii Maraykanku xaqdarada ugu duulay dalka Afqaanistaan waa kuwii dhawaan iyaga oo kabna lulaya midna laalaadinaya ka huleelay, iyaga oo reer Afgaanistaan ka codsaday in aanay dhabarjabin ku samayn 24-ka saac ee dalkooda ay uga baxayaan.

Muddo 15 sano ku siman, dulqaadka Daraawiishta, Soomaali markhaati ayay ka ahayd, sidoo kale dulmigii ku dhacay dadka reer SSC Soomaali markhaati ayay ka ahayd. Waa kuwii dalkooda loo diiday in ay nabad ku joogaan, waa tii si joogta ah maatada iyo caruurta dariiqyada loogu laynayey, waa tii hal doorkii gobolka la midha-midhaystay iyada oo sida argagixisada afka loogu soo duubtay.

Arrintu marka ay caynkaas u ribbato, waxaa la is waydiiyaa mandaqadda miyaanay ku dhaqnayn cid xaajo qaad ah? Culimadii diintu aaway? Aqoonyahankii, abwaannadii iyo garyaqaankii dadku meeye? Woqooyi miyaanu jirin cid xil kas ah oo ka soo soke marta dulmiga?

Wali 15-kaas sano dhagtaydu ma ay maqal cid Laascaanood xaalkeeda nabad ugu talisay, waxaan uga socdaa culimadii iyo dhaqanyaqaankii Somaliland IWM. Taas beddelkeeda waxaa TV-yada iyo idaacadaha SL laga maqli jiray odayaal dhaqameed iyo culimo ku garab taagan SNM dulmiga ay ka waddo SSC.

Sheekh Aadan Siiro wuxuu dhintay isaga oo SNM ku garabtaagan duullaankooda Laascaanood, Abwaan Hadraawi wuxuu dhintay isaga oo aan hal maalin ka hadlin dulmigaas. Sheekh Mustafana waakaas dhex jooga ee isha ka daawanaya waligiina kama uusan hadlin dulmigaas. Waxaa intaas dheer, isimada maanta nool oo maalinba mid kood idaacadda ka hadlayo isaga oo hanjabaad soo diraya kuna tir-tir siinaya maamulka Muuse Biixi in uu duullaan cusub ku qaado laascaanood.

Maanta oo la joogo, xalka nabadeed ee gobollada SSC wuxuu ku xidhanyahay Somaliland oo maleeshiyaadkooda si dhammaystiran ugala baxda deegaankaas. Dhinaca kalena, si kasta oo ay xaajadu noqoto dadka reer SSC waxay caddeeyeen in aanay cidna wax ka waydiinayn aaya ka tashigooda, sidoo kale waxaa hubaal ah in go’aamada aaya ka tashigooda aanay cidna wax ku yeelayn.

Abdirashid M. Hashi

Leave a Reply

Your email address will not be published.