GAROOWE : Waxyeelo ka dhalatay qarax ka dhacay magaalada & tirada waxyeelada.

GAROOWE : Waxyeelo ka dhalatay qarax ka dhacay magaalada & tirada waxyeelada.

Garoowe (Raxanreeb ) Qarax ayaa lagu soo waramayaa inuu  ka dhacay Xaafadaha ka danbeeya Wasaaradda maamulka Puntland ee magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Sida dadka halkaas ku sugan ay ku warameen waxaa  ku dhawacmay saddex caruur ah, kuwaaso la geeyay Isbitaalka Qaran ee magaalada.

Ciidamada maamulka Puntland ee magaalada Garoowe  ayaa gaarqy halka  caruurta qarax ku helay, halkaas ol baaritan ku wadan waxa sababay qaraxan.

Qaar ka  mid ah Waalidiinta caruurtan ayaa warbaahinta u  sheegay inaysan garanayn waxa ku qarxay caruurtooda isla markaana ay ka war sugayaan kooxaha baariyaasha.

Hay’ adaha amaanka maamulka Puntland ma aysan ka hadlan dhacdan maanta ee ay ku waxyeeloobeen caruurtaas ee ka dhacay magaalada Garoowe ee Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published.