Sarkaal la dhashay Guddoomiyaha Warta-nabadda oo la toogtay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Dablay hubeysan ayaa gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhallinyaro ahaa oo ka mid ahaa shaqaallaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda buur-ubax ee Degmadda Holwadaag ee gobolka Banaadir.

Marxuumka la dilay oo la oran jiray Liibaan Xaabsey ayaa la sheegay in lagu toogtay xaafada Baar Ubax ee degmada Howlwadaag ka dib markii ay rasaas ku fureen dabley hubeysan.

Liibaan ayaa la sheegay in ay walaalo yihiin Guddoomiyaha degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho Seynab Xaabsey.

Maamulka degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir ma uusan faahfaahin dilkan iyo cida ka danbeysay.
Lama oga ilaa hadda sababta loo dilay iyo cida ka dambeysay, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo la xiriira dilkan.

Maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal kala duwan oo lala eeganayay masuuliyiin iyo dad kale kuwaas oo qaarkood masuuliyadooda ay sheegteen kooxda Al- Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoog ku bixinysa sidii ay wax uga qaban lahayd dhibaato amni darro ee ka jirta degmooyinka magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.