Muqdsho (Raxanreeb ) Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta oo sabti ah waxa ay kulan ku yeelanayaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa Maalihii la soo dhaafay ansixiyay hindise sharciyeedyo dhowr ah oo kasoo gudbay Golaha Shacabka
Mudanayaasha Barlamaanka ayaa lagu wargaliyay in maanta uu jiro fadhiga Golaha shacabka , isla markaana xildhibaanada ka maqan fadhiyada ay soo xaadiraan.
Mudanayaasaha ayaa maanta oo sabti ah diirada saari doono qodobo ay ka mid yihiin :
1. Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada
2. Qeybinta Warbixinda Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedyada kala ah
A) Dhowrista Xogta
B) Maareynta Deegaanka
Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ka filayaa in ka hor bisha Ramadaan ay meel mariyaan Hindise sharciyeedyo muhiim ah.
Leave a Reply