Xoolo dhaqato loo dilay  Khilaaf ka dhashay dhul -daaqsin

Xoolo dhaqato loo dilay  Khilaaf ka dhashay dhul -daaqsin

Raxanreeb (MARKA ) In ka badan 10 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyootay  dagaal  u dhaxeeyay laba beelood oo wada- dega degaano u dhaw  Yaqbari wayne ee Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa ka bilowday  khilaaf la xiriira dhul daaqsin sida ay ku warameen dad ku sugan Degaanka Yaqbari wayne ee Shabeellaha Hoose.

Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalka wali wax xal ah laga gaarin oo lagu wado in  goobta ay gaaraan ciidamo ka socda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Arrimaha Bulshada degmada Walanweyn  ee Shabeellaha Hoose Axmed Kheyr Cabdow ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in u uku dhintay dagaalkan salka ku haya  daaqsinka.

Ma jiro wax xal rasmi ah oo laga gaaray colaadan saamaynta ku yeelatay dadka reer guuraaga ah ee degmada walawayn , halkaas oo marar badan ay ku soo noqnoqdeen colaadaha qabaa’ilka.

Lama oga sida ay wax  isku bedeli doonaan maalmaha soo socda ,  maadama aan socon wax waan waan ah oo lagu dejinayo xiisadaha ka taagan degaanada hoos yimaada  Yaaqbariwayne.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhawr jeer isku dayay inuu wax ka qabto dhibaatadan la xiriirta khilaafka daaqsinka ee  marar badan ka dhacay degaano ka mid ah Shabeellaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.