Gaza (Raxaneeeb ) Madaxwaynaha Turky Recep Tayyip Erdoğan ayaa weerar afka ah ku qaaday xukuumada Israa’il oo weeraro wali ka wada dhulka reer Falastiin.
Madaxwaynaha Turky ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin dagaalka ka sii socda Gaza oo uu sheegay inuu yahay xasuuq ba’ an oo loo gaysanayo caruur & haween oo aan waxba galabsan.
Waxa uu ku baaqay in hoggaamiyayaasha Israa’iil lagu xukumo dembiyo dagaal, lana horkeeno maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, wuxuuna ku celiyay aragtidiisa iyo mawqifka Turkiga ee ah in Xamaas aanay ahayn urur argagixiso.
Xukuumada madaxeyne Erdogan ayaa marti galisay qaar kamid ah xubnaha Ururka Xamaaz waxeyna taageertaa in xal labo dowladood ah laga gaaro colaada Isra’iil iyo Falastiin kadhex aloolsan.
Britain, Mareykanka, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa Xamaas u arka koox argagixiso ah, iyaga oo ka fikir duwan Turkiga.
Leave a Reply