Dagaal Beeleed ka qarxay Galgaduud

Dagaal Beeleed ka qarxay Galgaduud

Muqdisho(Raxanreeb) Dagaal udhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed ayaa ka socdo Deegaan lagu magacaabo Barkada ina jiirow.

Deegaankaan ayaa  13 Km Koonfur bari ka Xigo deegaanka Laba galle ee Bariga Koonfureed magaalada Caabudwaaq.

Maleeshiyaadka deegaankan ku dagaallamayo ayaa kasoo kala Jeedo Dhabbad iyo Cadaado waxaana xiisada ka dhalatay deegaamayn.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ay maqlayaan rasaas ay isweydaarsanayaan labada Malleeshiyo Beleed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.