Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay shirka Gogosha Wadatashiga Qaran oo maalintii sedaxaad ka socda Magaaladda Muqdisho.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa shirka ka jeediyay ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimadda uu shirkan u leeyahay dalka iyo dowladnimadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu dalka soo maray, caqabadihii laga soo maray dib u yagleelida dowladnimada Soomaaliyeed iyo sidoo kale sida ay muhiim u tahay in caqabad kasta oo ku hor gudban dowladnimada Soomaaliyeed si wadajir iyo midnimo ah loo wajaho.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu dambeyn sheegay in Baarlamaanka labadiisa aqal uu diyaar u yahay inuu ka howl galo shuruucda muhiimka u ah dowladnimada dalka, sidoo kalena Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu shaqo xoogan ka qabtay dib u eegista dastuurka.
Leave a Reply