Xero lagu tababarayay Al – Shabaab oo ciidanka Dowladda la wareegay caawa.

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Ciidanka  ammaanka Dowlada Federalka Iyo Kuwa deegaanka ayaa saladii Maqrib Ka Dib Gudaha u Galay Xeradii Ay Ku Tababaran Jireen Kooxda Al Shabaab Taas Oo Ku Taal Inta U Dhaxeysa Deegaanada Ceel-uul Iyo Wara-gibile Kuwaas Oo Dhanka Bari Uga Beegan Deegaanka Istaraatiijiga Ah Ee Wabxo

Saraakiisha Hoggaaminaysa Ciidanka Oo Seddex jiho Ka Galay Saldhiga Kooxdaan ayaa Xaqiijiyey In ay  si  Nabad Ah Ay Kula Wareegen Isla Markaana Caawo Difaacyo Waa weyn Ay Ka Sameysandoon

Goobta Ay Ku Tababaran Jireen Maleeshiyada Al Shabaab Ayaa Qiyaas Ahaan Wabxo U Jirta 15 Km Waxaana Caawo Ku Hoyanaya Markii Ugu Horeysay Milatariga Somalia Oo Garabsanaya Ciidamada Deegaanka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay ugu guulaysan lahayd kooxda Al- Shabaab kuwaas oo gacantooda ka baxay.

Wixii ku soo kordha kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.