Maxkamad Al- Shabaab ay ku lahaayeen Sh. Hoose oo la burburiyay.

Marka (Raxanreeb ) Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal gaar ah oo ay sameeyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ku burburiyeen xarumo Al- Shabaab oo ku lahaayeen Shabeellaha Hoose.

Howlgaladan ayay saraakiishu ay sheegeen in si gaar ah ay ugu fuliyeen , dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Gandarshe iyo Number-50 ee gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale Saraakiishan oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in cagta ay mariyeen xarumo Maxkamad ay u ahayd Al- Shabaab isla markaana la dilay xubno ka mid ah Al- Shabaab.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay ka dib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay ” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda oo la hadlay Warbaahinta Dowladda.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay dadaalada ay ku doonayso in ay Al- Shabaab ay kala wareegto goobaha ay ku sugan yihiin.

Degaanada gobolka Shabeellaha waxa ka soconaya howlgalada ka dhanka Al- Shabaab sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.