Puntland oo dagaalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab kusoo biireyso

Garowe (Raxanreeb) — Dowlad Goboleedka Puntland ayaa heegan buuxa geliyay Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas gaar ahaan kuwa daraawiishta ee ku sugan Gobolka Bari, kuwaas oo dhawan la filayo in dhulka Buuraleyda ah ay ka billaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac oo maal mahaan safar shaqo ku joogay Buuraleyda Silsiladda Golis ee fariisamaha Ciidanka Daraawiishta Gobalka Bari ayaa gaaray magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Taliyaha ayaa dhamaan fariisamaha Ciidanka ku maray kormeer Xeryaha kala ah Af-urur , Yalho , Kalabayr , jinbac , sugure 1 & 2 , bali-khadar , Bayska galgala iyo kuwa ku sugan Gudaha Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac ayaa sheegay in kormeerkaan uu yahay mid uu ugu kuurgalayo xaladda dhabta ah ee ciidanka , isaga oo ugu baaqay inay heegan u alaan howlgallada laga fulinayo Gobolka Bari.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac ayaa warbixinada Ciidanka uga dhagaystay Saraakiisha , isaga oo ciidanka u balan qaaday in ay kor usii qaadi doonaan xaq iyo xuquuqdooda ay ku leeeyihiin Maamulka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.