Heshiis horudhac ah oo laga gaaray colaad muddo dheer ka jirtay Galgaduud.

Caabudwaaq (Raxanreeb )Waxgaradka dhinacyadii Ku dagaalamay deegaanka u dhaxeeya degmada xeraalle iyo ina Gabbile ayaa maanta oo Isniin ah yeeshay is aragii Koowaad ee looga hadlaayo xalka Dagaalkii Deegaankan ka dhacay.

Xildhibaanad Raisal Qorane o ka mid ah Mudanayasha Galaha shacabka Guddoomiyaha Degmada Cabudwaaq Faarax Cabdille Xasan iyo saraakiisha ciidamada dowlada ayaa Ka qayb galay kulankan.

Odayasha Dhaqanka Dhinacyadan oo dood Dheer Ka Yeeshay xalka Xiisadihii Dhaliyay gacan Ka Hadalka ayaa isku Raacay Qadobo dhiig joojin u ah Bulshada deegaankan.

Qodobada Gun dhiga u ah xalka Xiisadan ayaa Waxaa ka mid ah :

1- Xabad Joojin Aan sharuud Gooni ah Lugu xirin oo laga hirgaliyo Deegaanka.

2- Kala.qaadida Maleeshiyaadka Dirirtu dhex martay maadaama wali ay isku horfadhiyaan deegaanadii lugu dagaalamay.

3- Qabashada Shir wayne Looga hadlaayo
.

Waxyaabaha Keenay Gacan Ka hadalka taasi oo Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq uu sheegay in la dhigaayo Degmada Caabudwaaq 25 Bishan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.