Muqdisho : go’aan adag oo ka dhan ah Al- Shabaab oo la soo saaray.

Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Muqdisho kulan wadatashi ah kula yeeshay Odeyaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta.

Kulanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Odayaasha dhaqanka ayaa diiradda lagu saaray xasilinta deegaannada Al-Shabaab ay kala wareegeeyn Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka oo is-garabsanaya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa bogaadiyay dagaalka ay wadaan dadka deegaanka, kaas oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab “Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Alshabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah argigixisada uu gaaro meesha ugu dambeysa.” Sida lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dhawaan ay Wasaaradda qaban doonta shirweyne ay isugu imaanayaan Beelaha dega Dowlad Gobaleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo ka dhici doona mid ka mid ah Magaalooyinka Beledweyne ama Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku dhuftay in uu sii wadi doona kulamada uu la yeelanayo Odayaasha dhaqanka, isaga oo sheegay in uu kulan la yeelan doona Odayaasha Dhaqanka ee Dowlad Gobaleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.